4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 5 , 2021
Somaliland oo amaro kasoo saartay debbaal degyada ay qabsanayaan musharixiinta guulaystay
 

Sabti, Juun, 5, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa amar ku siiyay musharixiinta guulaystay in anay qabsan wax debbaal dagyo ah.

Wasiir Kaahin ayaa joojinta debbaal degyada musharixiinta guulaysatay ku sababeeyay in la ilaalinayo niyada musharixiintii aan doorashada ku guulaysan  iyo cod bixiyayaashi anay musharixiintoodu guulaysan.

“Waxaynu doonaynaa in aynu ilaalino niyada iyo degenaanshaha dadkii shacabka aha ee doorashadan codkooda dhiibtay” ayuu yidhi.

“Waxaynu doonaynaa in aynu ilaalino tiro 900 iyo dheeraad ah, oo doorashada ka qayb galay oo 3 doloolow 2 dalool dhacayaan, musharixiinta soo baxday codka ay kusoo bexeen ragii dhacayna qayb ayay ku leeyihiin”.

“Musharixiinta marka waxa la rabaa saaxibadoodi ay isku xisbiga ahaayeen, ee doorashadii ay wada galeen, ee kuwa soo baxay ay codkoodana kusoo baxeen in la ilaaliyo” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Wasiirka ayaa sidookale sheegay in debbaal dagyadu ay keeni karaan nabad galyo daro sida darteedna loo bahanyahay in la joojiyo, wuxuna ugu baaqay xisbiyada iyo musharixiinta in ay ka fogaadaan wixi nabad galyada dhawici kara.

Hore waxa debbaal dagyo u dhigtay musharixiinta kasoo baxay gobolada qaar kood ee Somaliland, waxana  hadhay oo kaliya in lagu dhawaaqo cida ku guulaysatay doorashada deegaanka iyo wakiilada ee gobolka Maroodijex iyo degmada Hargaysa.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]