4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 5 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaaraysay duqeymaha Kena ay ka fulisay gobolka Gedo
 

Sabti, Juun, 5, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay duqeymaha diyaaradaha Kenya ay ka geysteen gobolka Gedo ee Soomaaliya oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad rayid ah.

War qoraal ah oo ay jimcihii xalay sii daysay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in duqeymaha Kenya ee aan kala sooca lahayn ay noqdeen wax joogto ah.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) waxay si adag u cambaareyneysaa duqeymaha joogtada ah ee ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka Kenya ee lagu dilayo laguna dhaawacayo dadka rayidka ah ee Soomaaliya. Duqaymahii ka dhacay gobolka Gedo, Jubaland State, 3da Juun 2021, waa tusaalihii ugu dambeeyay ee howlgalada Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee sababay dhimashada iyo curyaaminta dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan haweenka iyo caruurta. Taas waxay astaan aan wanaagsaneyn u noqonaysaa nidaamka howlgalada ciidamada cirka Kenya." ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya oo katirsan howlgalka AMSISOM aysan si ku filan u ilaalin rayidka, gaar ahaan haweenka iyo caruurta, xilliga ay la dagaalamayaan kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay ka digtay in weerarada noocaan ah ee taxaddar la'aanta ah ee Kenya ay la beegsanayso dadka rayidka ah, ay horseedi doonto in ay bulshadu si toos ah ugu dhacdo gacanta Al-Shabaab.

"Waxaa sii kordheysa daandaansiga iyo kala sooc la'aanta ciidamada Kenya ee howlgalada ka fuliya Soomaaliya, iyagoo ku marmarsiyoonaya la dagaalanka xagjirnimada. Waxba kumasoo kordhin doonaan dadaallada xasilinta iyo ka hortagga xagjirnimada. Laakiin waxay sii kordhinayaan bulshooyinka taageera xag-jirnimada,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in walaacan ay u gudbisay dowladda Kenya iyo Midowga Afrika ayna horayn doonto golaha nabada iyo amaanka midowga Afrika.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online