
Talaado, Juun, 29, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in horumarka caafimaadka Somaliland uu ku socdo xawaare ka badan ka reer Yurub.
newsinside"Waxan aaminsanahay in halka Yurub 100 sano ku jaraysay aynu inagu 2 ilaa 3 sano ku jarayno" ayuu yidhi.
newsinside"Waxan aaminsanahay in halka Yurub 100 sano ku jaraysay aynu inagu 2 ilaa 3 sano ku jarayno" ayuu yidhi.
"Anuu waxan aaminsanahay in caafimaadka dalkeenu uu aad iyo aad mudo gaaban ugu korayo" ayuu hadalkisa ku daray.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu aragti wanaagsan ka haysto mustaqbalka caafimaadka Somaliland.
Dadka dhaliila caafimaadka Somaliland ayaa sheega in aanu horumar fiican samaynin, iyado dad badani caafimaad u tagaan waddamada dibada.
Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
[email protected]