Isniin, Juun, 28, 2021 (HOL) - Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne laga soo dejiyay gaari nooca aanan xabada karin ee loo yaqaano Bullet Proof Car, kaasi oo aay keentay diyaarad nooca xamuulka qaada ah.
newsinsideGaarigaan aanan xabada karin ayay diyaarada ka qaaday magaalada Muqdisho, waxayna wararka qaar sheegayaan in loogu talo galay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.
Warar madax banaan oo aanan la xaqiijina waxay sheegayaan in loogu talo galay in la isticmaalo gaarigaan xabada karin xiliga doorashada ee uu imaanan doono Baledweyne madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo wafuuda kale.
Lama oga sababta rasmiga ah ee kusoo beegtay in xiligaan oo uu bilaabanayo Ololaha doorashoyinka, laga soo dejiyo magaalada Baledweyne gaarigan nooca aanan xabada karin ee la sheegayo in loo keenay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed, kaasoo horay Baledweyne ugu sugnaa muddo 7 bilood ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]