Maxkamada sare ee Somaliland oo war kaso saartay dhagaysiga dacwadaha musharixiinta

 

Axad, Juun, 27, 2021 (HOL) - Warbixin ay soo saartay maxkamada sare ee Somaliland, ayaa lagu sheegay in Maxkamadu ay maanta dhagaysatay dacwadaha 7 musharax.

newsinsideMaxkamada ayaa sheegtay in 8 dacwadood ay maanta mudaysnayeen laakin 1 musharax uu ka noqday dacwadiisi.

Gudoomiyaha maxkamada sare garyaqaan Aadan Xaaji Cali iyo 9 garsoore, oo ay wehelinayso kaliyaha maxkamada dastuuriga ah Sahra Ismacil Cabdilahi, ayaa dhagaystay dacwadaha.

Dacwadahan ayaa waxa soo gudbiyay qaar kamida musharixiintii aan ku qancin natiijadii hordhaca ahayd ee doorashada golaha wakiilada.

Maxkamada ayaa sheegtay in ay go'aan ka dacwadaha musharixiinta soo saari doonto marka dhagaysiga lasoo gaba gabeeyo.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
 [email protected]