4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 20, 2021
Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay haweenkii ka qayb galay doorashooyinka
 

Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo musharixiintii haweenka aha ee doorashada ka qayb galay, ayaa yeeshay kulan lagaga hadlayo dumarka iyo doorashooyinka.

Madaxweynaha Somaliland oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dumarku guul joogaan marka la eego sidi ay doorashadu u dhacday.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ragii qabiilku taageerayay ay doorashooyinkii waayeen taasina ay tahay calaamad muujinaysa in dumarku guulaysan karaan.

"Hadii qabiil laydinku cadaadin jiray, hadii qabyaalad laydinku cadaadin jiray, maanta waxad ku faraxdan in kuwii intaaba is bidayay oo isku meel aad joogtaan" ayuu yidhi.

"Markad codka eegtaana intii aad tirsanayseen dad badan oo is bidayay maanta waa idinla mid oo may soobixin" ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu qaado talaabo kasta oo dumarka u fududayn karta in ay siyaasada ka qayb galaan.

"Xukuumad ahaan waanu idinla shaqaynaynaa, carqalada ay dumarku ka maqanyihiin taladii dalkana waa waajib qaran oo cidwalba saaran" ayuu yidhi.

Xubnaha haweenka iyo saraakiishi kale ee kulanka ka qayb gashay ayaa iyaguna ka hadlay baahida loo qabo in dumar laga helo galayaasha go'aanka umada laga gooyo.

Kulanka ayaa lagaga hadlayay caqabadaha dumarka ka hortaagan in ay ku guulaystaan doorashooyinka.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
[email protected]