9/24/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 20, 2021
Gabar 14 jir ah oo kufsi wadareed loogu geystay deegaanka Ceelasha Biyaha
 

Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Gabadhan 14 jirka ayaa la sheegay in kufsi wadareed loogu geystay deegaanka Ceelasha kadib markii la sheegay in qaab afduub ahaan looga kaxeystay wadada.

Gabadha hooyadeed oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in gabadheeda aay u dirsatay suuqa kadibna dib usoo laaban weysay markii aay talefankeedii wacdayna uu dansana meel walba oo aay ka raadisayna aay waysay gabadheeda.

"Laba maalin iyo laba habeen ayaan weysana gabadheyda oo suuqa adeeg uga dirsaday kadibna la afduubtay, waxaana markii dambe ka helnay meel banaan ah oo lasoo dhigay iyadoo miir daboolan, dhaawacyo badan ayaa jirkeeda ka muuqdo guriga ayaan isaga haysta" ayay tiri hooyada dhashay gabarta yar.

Dhacdadaan ayaa dhacday 17-kii bishan waxaana la sheegay in gabarta ay kufsadeen rag gaaraya 20 oo mudo laba cisho ah haystay gabadha sida aay warbaahinta u xaqiijiyeen ehelka gabadha.

Adeerka gabadha la kufsaday oo lagu magacaabo Jabriil Sheekh Maxamed ayaa sheegay in gabadha ragii kufsaday qaarkood lasoo qabtay oo aay ku xiran yihiin xarunta CID-da ilaa 8 ruux islamarkaana tobaneeyo kale aay baxsadeen kuwaas laguna raad joogo soo qabashadooda.

"Gabadha yar ragga kufsaday wax walbo oo xumaan ah oo diinta, dadnimada, iyo Soomaalinimadaba aysan ogoleen ayay ku sameyeen waxaana dalbaneyna inaan helno Cadaalad" ayuu yiri Jabriil Maxamed Sheekh oo ah gabadha adeerkeed.

Dhacdan ayaa ah mid aad u argagax galisay dadka ku dhaqan deegaanka Ceelsha Biyaha, inkasto aysan aheyn dhacdadii ugu horeysay waase mid kuso kordheysay gudaha Soomaaliya sanadahan dambe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/20/2021 6:12 PM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Xulka kubada cagta Soomaaliya ayaa caawa la kulmay guul darro 2-1 ah oo kasoo gaartay cayaar ay la dheeleen xulka dalka Cumaan, cayaar katirsanayd isreebreebka tartanka kubada cagta wadamada Carabta.

6/20/2021 4:39 PM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Caawa ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaasoo la sheegay in lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo marayay Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho.

6/20/2021 12:49 PM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Iyadoo maalmahii lasoo dhaafay magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu afduubanayay gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ayaa maanta Booliiska dalkaasi Kenya waxay sheegeen iney gacanta kuso dhigeen mid ka mid ah kooxaha wax afduubaneysay.

6/20/2021 12:49 PM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo musharixiintii haweenka aha ee doorashada ka qayb galay, ayaa yeeshay kulan lagaga hadlayo dumarka iyo doorashooyinka.

6/20/2021 10:01 AM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maanta oo axad ah magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu kala saxiixday heshiis ganacsi oo la isku dhaafsanayo kalluunka iyo Qaadka.

6/20/2021 8:27 AM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Xubnaha cusub ee golaha deegaanka Burco, ayaa Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi u doortay mayor ka cusub ee Burco, halka ay Mukhtaar Maxamed Cabdi u doorteen mayor ku xigeen.

6/20/2021 7:18 AM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dagaal xoogan oo aay la galeen dagaalamayaasha Al-shabaab, kadib waxay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Orshe oo qiyaastii 50KM dhinaca Bari kaga beegan degmada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

6/20/2021 5:26 AM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay dileen ku dhawaad 24 ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Alshabaab, kadib howlgal ka dhacay degmada Diinsor gobolka Bay ee koonfur galbeed.

6/20/2021 5:05 AM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Gudoomiyaha degmada Laascaanood ayaa loo doortay Cabdiraxiin Cali Ismaaciil oo xisbiga Waddanì ka tirsan halka kuxigeena loo doortay Axmed Maxamuud Kawte oo ka soo jeeda xisbiga UCID.

6/20/2021 3:24 AM EST
Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab oo ka dhacay shalay galinkii dambe degmada Diinsoor ee gobolka Baay.