4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 19, 2021
Xisbiga Waddani oo ka hadlay kalfadhiyada golayaasha deegaanka degmooyinka qaar oo dib u dhacay
 

Sabti, Juun, 19, 2021 (HOL) - Xogeeyaha guud xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa xukuumada ku eedeeyay dib u dhac kuyimid kalfadhiyada golayaasha deegaanka ee degmooyinka, Laascaanod, Burco iyo Oodwayne.

Xogeeyaha ayaa tilmamay in wasiiro xukuumada ka tirsani ka danbeeyaan dib u dhaca kalfadhiyada.

"Doorashadii maayarada iyo ku xigeenada Laascanood iyo Burco Sabab la'aan ayaa dib loogu dhigay waxaana sabab u ah wasiiro ka baqaya in guul darada sababteda xilalka looga qaado" ayuu yidhi.

Xogeeyaha ayaa wasiirada ku eedeeyay in ay laaluush isticmalayaan, si ay u iibsadaan xildhibanada mucaaradka oo loo doorto mayaro Kulmiye ah.

"Lacag iyo dawarsi cod laguma helo balse shacabka ayaa bixiya" ayuu yidhi.

"Wasiirada waxaanu leenahay shacabka ka xishooda, diinta ka xishooda dhaqankana ka xishooda" ayuu hadalkiisa ku daray.

Xukuumada Somaliland ayaan ilaa hada ka hadlin dib u dhacyada ku yimid, kalfadhiyada golayaasha deegaanka degmooyinka Laascaanod, Burco iyo Oodweyne.


Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
[email protected]