4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 18, 2021
Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Saldhiga ciidanka deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Sh/dhexe
 

Jimco, Juun, 18, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Biyo Cadde ee gobolka sh/dhexe ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari weyn oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay afaafka hore ee Saldhiga ciidamada deegaankan Biyo Cadde, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhimatay afar askari oo ka mid aheyd ilaalada Taliyaha guutada 4-aad qeybta  27-aad ee ciidanka Xoogga dalka Korneel Saneey Cabdulle, kaaso la sheegay inuu isna dhaawac kasoo gaaray weerarka Ismiidaaminta ah ee lagu qaaday Saldhiga Biyo Cadde oo 45KM dhinaca bari kaga beegan magaalada Jowhar.

Korneel Saney Cabdulle waxuu ka mid ahaa saraakiishii dhawaan hogaaminaysay ciidamadii ka soo horjeestey muddo kordhinta Baarlamaanka ay u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo, waxaana la sheegaya in dhaawaca soo gaaray uu yahay mid fudud.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]