4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 17, 2021
Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay xubnaha golaha deegaanka cusub ee Hargaysa

Khamiis, Juun, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan duco iyo dardaaran ah la yeeshay 17 xubnood ee dhawaan loo doortay golaha deegaanka ee Hargaysa.

Xubnaha golaha deegaanka Hargaysa ayaa waxa hogaaminayay mayorka iyo mayor ku xigeenka cusub ee maanta la doortay.

Madaxweyne Biixi ayaa hambalyeeyay xubaha cusub ee golaha deegaanka Hargaysa iyo mayorka iyo mayor ku xigeenka cusub ee maanta la doortay.

Madaxweynaha ayaa sidookale xubnaha ku bogaadiyay isku tanaasulka iyo isku duubnida.

Xubnaha cusub ee golaha deegaanka Hargaysa ayaa maanta mayor  u caleemo saray Cabdikariin Axmed Mooge halka mayor ku xigeena ay u doorteen Khadar Axmed Cumar.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
 [email protected]