4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 16, 2021
Dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo looga dhawaaqay degmada Buula burte
 

Arbaco, Juun, 16, 2021 (HOL) - Kadib kulan dhexmaray saraakiisha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka qeybta 27-aad oo looga hadlayay amniga iyo la dagaalanka Ururka Al-shabaab oo ka dhacay degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan ayaa lagu shaaciyay guluf ka dhan ah Al-shabaab.

Kulanka waxaa warbixino la xariira amniga degmada Buula burte iyo deegaanda hoos yimaada looga dhageystay saraakiisha ciidamada qeybta 27-aad, kuwaas oo sheegay in amaanka degmada iyo deegaanada ku xeeran uu yahay mid aad u wanaagsan.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka qeybta 27-aad Jenaraal Axmed Maxamed Tareedishe ayaa dhankiisa sheegay in howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidanka ka sameeyeen deegaanada hoos yimaada degmada Buula burte aay guulo waaweyn ka gareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Jenaraal Tareedishe ayaa intaasi ku daray in ciidamada aay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah la dagaalanka Al-shabaab ilaa la saaro dhamaan deegaanada gobolka Hiiraan, isla markaana ku dhawaaqay howlgalo kale oo cusub iney ka bilaabayaan dhamaan deeganada gobolka Hiiraan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hadalka Jenaraal Tareedishe ayaa imaanaya xili dhawaan dagaalo culus aay ku dhexmareen duleedka degmada Buula burte Dagaalamaaysha Al-shabaab iyo ciidamada xoogga dalka, kuwaas oo siyaabo kala duwan guulo uga kala sheegtay dagaaladii dhexmaray.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]