4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 15, 2021
Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo ku qaabilay Wakiilada Beesha Caalamka
 

Talaado, Juun, 15, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa maanta madaxtooyada Jubbaland ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan, waxaana wafdiga ka mid ahaa Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, xubno kasocday Midowga Yurub iyo urur goboleedka IGAD.

Kulanka waxaa looga hadlay xaalada dalka iyo arimaha Doorashooyinka, iyadoo masuuliyiinta ka socotay Beesha Caalamka ay uga mahad celiyeen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam sida ay uga go’antahay in doorashada dalka inay ku dhacdo hanaan wadar ogol ah isla markaana la dardar galiyo shaqooyinka muhiimka u ah howlaha doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Wakiilada Beesha Caalamka ay si weyn u wada falanqeeyen arrimaha doorashooyinka dalka, islamarkaana ay isla meel dhigeen dedejinta iyo waliba dardargelinta qabsoomida doorashooyinka dalka.

Gabagabadii kulanka maanta waxaa la isku raacay in la joogteeyo kulamada iyo wadatashiyada la xiriira arrimaha doorashooyinka dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]