4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 15, 2021
Alshabaab oo sheegtay masuuliyadda weerar ismiidaamin ah oo lagu dilay dhalinyaro ku biiri lahaa ciidamada
 

Talaado, Juun, 15, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerar ismiidaamin ah oo maanta barqadii lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo doonaysay in qortaan ciidamada xoogga dalka.

War rasmi ah oo kasoo  baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 40 askari lagu dilay weerarkaas oo naftii hallige katirsan kooxda Alshabaab uu ka geystay xerada General Dhaga badan ee degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Dhalinyaradan ayaa ku sugnaa banaanka koontarool-ka laga galo xerada Ciidanka ee General Dhaga badan, halkaas oo ay ku sugeyeen baaritaanka ka hor inta uusan soo dhex galin qof naftii hallige ah.

Dhinaca kale, taliyaha ciidanka xoogga dalka, Gen, Odawaa Raage ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in toban dhalinyaro ay ku dhinteen qaraxa ismiidaaminta iyo dhaawaca 20 kale.

Alshabaab ayaa sheegay dhalinyaradan ay beegsadeen in ay ku biiri lahaayeen Ururka sagaalaad ee ciidamada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online