4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 15, 2021
Taliska ciidanka Xoogga dalka oo ka hadlay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho
 

Talaado, Juun, 15, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa si faahfaahsan uga hadlay qarax Ismiidaamin ahaa oo barqaninadii maanta ka dhacay afaafka hore ee Xerada tababarada Jenaral Dhagabadan.

Taliye Odawaa ayaa sheegay in qaraxa maanta uu fuliyay ruux isku soo xiray Jaakad walxa qarxa ku rakiban yihiin, islamarkaana uu dhexgalay dhalinyaro dooneysay iney ku biiraan ciidanka Gorgor oo ku jiray safka baaritaanka Xerada Jenaral Dhagabadan si ay Xerada ugu gudbaan.

Taliyaha oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in 10 ka mid ah dhalinyaradii ku sugneed afaafka hore ee Xerada ay ku dhinteen qaraxa halka 20 kalana ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo loo qaaday xarumaha Caafimaadka magaalada Muqdisho.

"Allaha u naxariisto waxaa dhimatay 10 kamid dhallinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka waxaana dhaawac soo gaaray 20 kale kuwaa oo ku sugnaa banaanka koontarool-ka laga galo xerada Ciidanka ee General Dhaga badan, dhallinyarada ayaa sugeysay Baaritaanka ka hor inta uusan dhex galin qof naftii halige ah” sidaas waxaa Warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage.

Jenaraal Odawaa Yuusuf ayaa uga tacsiyadeeyay ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed dhalinyarada maanta lagu dilay qaraxa Ismiidaaminta ahaa ee doonayay isu diiwaan gelinta ku biiritaanka ciidanka Gorgor ee dowladda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]