4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 15, 2021
Kalfadhiga 48-aad ee Baarlamaanka maamulka Puntland oo maanta Furmaya
 

Talaado, Juun, 15, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah u furo Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiilada Maamulka Puntland.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa la filayaa inuu Golaha ka hor jeediyo khudbad uu kaga hadlaayo qorshayaasha u degsan maamulkiisa iyo waliba doorashooyinka Xisbiyada.

Baarlamaanka Puntland ayaa bilahii lasoo dhaafay ku jiray fasax waxaa horyaala qodobo badan oo u baahan ka doodistooda waxii ka qabsoomay.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale la filayaa inuu ka hadlo xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo shirkii madasha wadatashiga Qaran ee uu ka qeyb galay iyo waliba heshiiskii lagu gaaray Muqdisho.

Ajendayaasha horyaala Baarlamaanka Puntland waxaa ka mid ah doorashada xubnaha Aqalkasare, ka doodista heshiiska horumarinta dekada Boosaaso ee DP WORLD.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]