4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 14, 2021
Puntland oo xukun dil ah oo kama dambays ah ku riday 18 nin oo katirsan ururka Alshabaab
 

Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) - Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntey 17 nin oo ka tirsan ururka Alshabaab. Halka mid 18-aad oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Axmed Buraale lagu xukumey Xabsi daa’in, sida lagu xusay go'aan maxkamadda kasoo baxay.

Xukumanayaasha ayaa 5 kamid ah waxay maxkamadu ku sheegtay in ay yihiin horjoogayaashii ugu sareeyey ee go'aamin jirey dilalka iyo qarxyada Gaalkacyo, halka 12 kalena ay dilalka loo diro fulin jireen.

Raggan ayaa waxaa horay xukun dil ah ugu riday Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Puntland. Balse waxay ka qaateen racfaanka iyagoo qabsaday qareeno u dooda oo ka difaaca dambiyada.

Waa tiradii ugu badnayd oo ay Puntland ku rido xukun dil ah oo katirsan kooxda Alshabaab. Qaar badan oo katirsan ayaa kasoo muuqday muuqaallo ay ku qiranayeen dambiyada laguu oogay.

Puntland waxay sheegtay in ay soo afmeertay shabakadii Alshabab ee tan iyo sanadkii 2008 howlgallada isugu jira qaraxyada iyo dilalka ka geysan jirtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online