6/24/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 11, 2021
Raysal wasaare Rooble " Musharax Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo waa ii siman yihiin"


 

Jimco, Juun, 11, 2021  (HOL) - Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo aheyd mid isaga lagu soo dhaweynaayay oo ka dhacday degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Xaflada lagu soo dhaweynayay Rayal wasaare Rooble waxaa u sameeyay Siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Deyniile.

Xubnahii kala duwana ee xaflad ka hadlay ayaa dhamaantood sheegay iney bogaadinayaan shaqada wanaagsan ee uu qabtay Raysal wasaare Rooble sida inuu ka shaqeeyay xasiloonida Caasimada iyo inuu dalka u dhaqaaqo doorasho xor iyo xalaal ah.

Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay xaflada soo dhaweyntiisa ee Deyniile loogu sameeyay ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii uu dalka u gaarsiin lahaa doorasho ku saleysan cadaalad iney qabsoonto.

"Aniga dhankeyga ka Raysal wasaare ahaan waxaan ka shaqeyn doona doorasho cadaalad ah, waxaan tusaale usoo qaadanayaa hadii aay tartamaan Raysal wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre oo musharax ah iyo madaxweyne Farmaajo iney ii siman yihiin" ayuu yiri Raysal Wasaare Rooble.

Raysal wasaare Rooble ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faraxsan yahay soo dhaweynta aay u sameyeen bulshada ku dhaqan degmada Deyniile isagoona uga mahadceliyay qeybaha kala duwan ee kasoo shaqeeyay soo dhaweynta loo sameeyay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/11/2021 2:15 PM EST
Jimco, Juun, 11, 2021 (HOL) - Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa Cabdikariim Axmed Mooge, oo kaso baxay xisbiga Waddani uga tanaasulay loolanka mayornimada Hargaysa.

6/11/2021 8:46 AM EST
Jimco, Juun, 11, 2021 (HOL) - Waaliditaan ayaa maalintii labaad banaanbaxyo ka dhigay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxayna dalbanayaan in caruurtooda dib loogu soo celiyo.

6/11/2021 8:39 AM EST
Jimco, Juun, 11, 2021, (HOL) - War kasoo baxay Xafiiska doorashooyinka ee dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in degaanno uu kamid yahay degaanka Soomaalidu doorashadii ka dhici lahayd dib loo dhigay.

6/11/2021 8:09 AM EST
Jimco, Juun, 11, 2021, (HOL) - Puntland ayaa gabi ahaanba laga mamnuucay gudniinka hablaha sida lagu sheegay amar kasoo baxay masuuliyiinta ugu sareysa maamulkaas.

6/11/2021 7:30 AM EST
Jimco, Juun, 11, 2021 (HOL)- Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sheegay in axsaabta mucaaradku anay kasoo horjeedin hanka mayor nimo ee Cabdikariim Axmed Mooge Liibaan.

6/11/2021 4:31 AM EST
Jimco, Juun, 11, 2021 (HOL) - Wasaarada waxbarashada Somaliland, ayaa xagjirnimo ku tilmaantay go’aan ay Puntiland ku sheegtay in ay imtixinaaadka shahaadiga ah ee Somaliland kaga mamnuucayso gobolka Sanaag.

6/11/2021 3:00 AM EST
Jimco, Juun, 11, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka dhageystay guddiga xaqiijinta guddiyada doorashooyinka, isagoona faray in habraaca hubinta la marsiiyo xubnaha cusub ee maamul goboleedyada soo magacabeen.

6/11/2021 1:35 AM EST
Jimco, Juun, 11, 2021, (HOL) - Maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa soo badelay xubnahii eedeynta laga soo gudbiyay lagu helay ee ku jiray guddiyada lagu murunsanaa ee doorashooyinka dalka.