4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 11, 2021
Raysal wasaare Rooble oo warbixin ka dhageystay guddiga xaqiijinta xubnaha guddiyada doorashada
 

Jimco, Juun, 11, 2021  (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka dhageystay guddiga xaqiijinta guddiyada doorashooyinka, isagoona faray in habraaca hubinta la marsiiyo xubnaha cusub ee maamul goboleedyada soo magacabeen.

Guddoomiyaha guddiga xaqiijinta guddiyada doorashada ayaa sheegay in maamulada intooda badan aay soo gudbiyeen xubnaha guddiyada ee badeli lahaa kuwii horay looga saaray guddiyada.

Raysal wasaare Rooble ayaa sidoo kale warbixino kala duwan uga dhageystay Golaha Wasiiradda Soomaaliya shirkoodii todobaad laha ahaa, kaasoo looga hadlay xaalada guud ee amniga dalka, Covid-19, gurmadka Abaaraha iyo Fataahaadaha.

Gabagabadii Raysal wasaare Rooble ayaa ugu baaqay maamul goboleedyada dhiman iney si deg deg ah usoo dhameystiraan xubnaha badali lahaa xubnahii lagu helay eedeymahii loo soo jeediyay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]