4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 28, 2021
Somaliland: Xildhibaanada isbahaysiga mucaaradka oo ka hadlay afduubkii xildhibaan Mustafe uu sheegay in lagula kacay
 

Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Qaar kamida xildhibaanada isbahaysiga xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay afduub uu xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo Kulmiye ka tirsani sheegay in Addis ababa ay xukuumada Somaliland ugu gaysatay iyadoo isticmaalaysa sirdoonka Itoobiya.

"Arrintaasi arrin dhibyar anaga noolamay muuqan, in nin xildhibaan ah oo umadu dooratay oo howlo gaar ah u tagay Itoobiya inta laga daba tago ciidan loo sameeyo, waa khatar loo badheedhay" sida waxa yidhi xildhibaan Maxamed Abiib.

Xildhibaan Aadan Qaasin Sulayman ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin isla markaana layskula xisaabtami doono falka uu xildhibaan Mustafe sheegay in xukuumada Somaliland kula kacday.

"Waa arrin u baahan ka daba tag, Cidkasta oo ay khusayso markaanu golaha tagno waanu kula xisaabtami doonaa, waanu u yeedhi doona safaarada, waanu waydiin doona safaarada waana nu kula xisaabtami doonaa" ayuu yidhi Xildhibaan Aadan Qaasin Sulayman.

Xildhibaanada oo tiradoodu dhanayd 4 xildhibaan ayaa dhamaantood si isku mida u cambaareeyay falka afduub ka ah ee xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo ka tirsan xisbiga Kulmiye uu ku andacooday in ay kula kacday xukuumada Somaliland.

 

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]