10/21/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 24, 2021
Dowladda Maraykanka oo ka hadashay duqayn jimcihii shalay lagu garaacay saldhiggii Alshabaab ee Qeycad
 

Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Mareykanka ayaa markale bartilmaameedsaday dagaalamayaasha Al-Shabaab, isagoo qaaday duqeyntiisii labaad afartii maalmood ee la soo dhaafay ka dib muddo ku dhow lix bilood oo hakad ah markii uu xilka qabtay Madaxweyne Joe Biden.

Taliska AFRICOM oo duqayntan ka fuliyay Galmudug, ayaa qoraal uu soo saaray, wuxuu ku sheegay inuu qeyb ka yahay dadaal lagu doonayo in lagu taageero milateriga Soomaaliya oo dagaal xooggan kula jira Al-Shabaab, dagaalkaas oo haatan ka socda Galmudug.

Xoghayaha warfaafinta Pentagon John Kirby ayaa u sheegay wariyeyaasha in duqeynta jimcihii lagu qaaday meel u dhow tuulada Qeycad, kadib ciidamada Maraykanka loo fasaxay awoodaha ruqsadda adeegsiga xoog militari oo ka dhan ah Alshabaab.

Kirby wuxuu intaa ku daray in sidii duqeyntii hore oo kale, ciidamada Mareykanka aysan dagaalka dhulka kula jirin ciidamada Soomaaliya laakiin ay wadeen howlgalo latalin ah iyo caawimaad cirka ah.

Bayaan ay soo saartay jimcihii shalay, dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
 












Click here
7/24/2021 12:06 PM EST
Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Xildhibaan Maxammed Xuseen Maydhane oo xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Awdal, ayaa ku dhawaaqay in uu taageerayo isbahaysiga xisbiyada mucaarad ka, kadib markii xildhibaanada gobolka Awdal ay iska dhex arki waayeen xubnaha Kulmiye u sharaxay shirgudoonka wakiilada.

7/24/2021 8:46 AM EST
Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Dib u dhac kale ayaa ku yimid doorashada aqalka sare xilli ay maalinta berri ah ay ku beegan tahay doorashada xildhibaanada aqalka sare, sida ku qoran jadwalka doorashada ee heshiiskii june 29keedii.

7/24/2021 8:15 AM EST
Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeeray Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareska Mareykanka taasoo sheegtay in dowladda Mareykanka looga baahan iney macluumaad dheeraad ah ka bixiso duqeynta ay ka fulisay Soomaaliya.

7/24/2021 8:13 AM EST
Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Bandhigii 14aad ee Bandhiga Caalamiga ah ee Bugaagta Hargaysa, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta Dhaqanka ee Hargaysa, sanadkan waxa bandhiga marti ku ah dalka Itoobiya, halku dhaga sanadkuna waxa weeyaan "jaarnimo".

7/24/2021 3:17 AM EST
Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Xildhibaan Ilhan Cumar oo katirsan aqalka Koongareska Maraykanka, ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in ficil kasta oo militari uu qeyb ka noqdo istiraatiijiyad ballaaran oo diiradda lagu saarayo amniga dadka Soomaaliyeed iyo xasilloonida dowladnimada Soomaaliya.

7/24/2021 3:01 AM EST
Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi goordhaw israsaaseyn xoogan ku dhexmartay ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya.

7/24/2021 1:53 AM EST
Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka bayaan kasoo saaray talaabooyinkii ugu dambeeyay ee uu qaaday Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

7/24/2021 1:44 AM EST
Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Kooxaha kubbada Cagta ee Horseed iyo Mogadishu City Club oo loo soo gaabiyo MCC ayaa ciyaari doono kulan dheeraad ah oo lagu kala reebaayo, kadib markii ay kaalinta koowaad kuwada dhammeysteen horyaalka Soomaaliya oo lagu waday in la soo gaba-gabeeyo 23-kii bishaan oo ku beegneyd Jimcihii aynu soo dhaafnay.