4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 21, 2021
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo qalabka doorashooyinka aqalka sare ku wareejiyay Puntland iyo Jubbaland
 

Arbaco, Luulyo, 21, 2021 (HOL) - Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed Puntland, ayaa maanta qalab ay kamid yihiin sanaadiiqda codbixinta kala wareegay xafiiska UNSOM ee Garowe.

Guddiyada hirgalinta doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedba ayaa diyaar garow ugu jira qabashada doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, taasoo dhacaysa 25 ka bishan.

Waxaa sidoo kale maanta mar sii horreysay qalabkaan oo kale xafiiska UNSOM ee magaalada Kismaayo kula wareegay guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee ee Jubbaland.

Barlamaanka Puntland ayaa lagu wadaa in khamiisto berri ah oo ay dib iskugu soo laabanayaan uu magacaabo guddiga maamulaya doorashooyinka aqalka sare, halka barlamaanka Jubbaland uu todobaadkan magacaabay guddigaas.

Doorashada aqalka sare waa bilowga doorashooyinka guud ee dalka kusoo wajahan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online