4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 21, 2021
Amiirka Al-shabaab oo war kasoo saaray arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya
 

Arbaco, Luulyo, 21, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Cumar Abuu Cubeyd ayaa fariin cod ah oo uu soo duubay kaga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Amiirka ugu sareeya Al-Shabaab Axmed Abuu Cubeyd ayaa shaaciyay iney kasoo horjeedaan doorashooyinka dalka ka dhici doona, isagoona digniin u diray odayaasha doonaya iney wax kasoo dhisaan Baarlamaanka Cusub ee dalka.

" Ayaga hoggaamiyeyaasha ah, ma damaanad qaadi karaan amaankiina" ayaa ka mid ahaa codka duuban ee Amiirka Al-shabaab.

Hadalkan kasoo yeeray hoggaamiyaha Al-shabaab ayaa imaanaya xili dhawaan lagu wado in dalka Soomaaliya ay ka qabsoonto doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhamaadkii sanadkii 2019 ayay aheyd markii Shabaab isugu yeereen dhamaan ergadii soo dooratay Baarlamaanka hada waqtigiisa dhamaaday, dabadeedna cafis usoo fidiyeen iyagoona uga digay ineysan dib dambe ugu laaban arrimahaas oo kale.

Ka hor inta aysan cafiska u fidinta ergadii wax kasoo dhistay dowladda Farmaajo waxaa jirtay in Al-shabaab ay dileen odayaal badan oo ka mid ahaa ergadii wax kasoo dhistay dowladda hada waqtigeeda dhamaaday.

Gabagabadii hadalka hanjabaada ah ee kasoo baxay hoggaamiyaha Shabaab ayaa noqoneysa mid sii kordhisa cabsida ay qabaan ergada dooneysa iney wax kasoo dhisaan dowladda cusub ee loo diyaar garoobayo doorashadeeda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]