9/27/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 16, 2021
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo si kulul uga hadlay dagaalka u dhaxeeya TPLF iyo Itoobiya
 

Jimco, Luulyo, 16, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Muxumed Cagjar ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook waxuu si qoto dheer kaga hadlay dagaalka u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo falaagada TPLF.

Waxa uu qoraalkiisa ku sheegay madaxweyne Mustafa Cagjar in dagaalka Waqooyiga itoobiya ka socda oo u dhaxeeyo dowaladda Itoobiya iyo argagixisada TPLF.

"Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta oo kaliya. Waxaa argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso nidaamka hadda jira dibna saameeyn ugu yeelato siyaasada dawlada dhexe si ay mar kale u guumaysato shucuubaha dalka ee Soomaalidu ka mid tahay" ayuu yiri madaxweyne Mustafa.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sidoo kale sheegay in argagisada TPLF ay ahayeen kuwa horay xasuuq uga geystay deegaanka Soomaalida, hadana ay doonayaan iney dumiyaan dowladda dhexe ee dalka Itobiya.

"Waxaa ayaamahan baraha bulshada talooyin liita la dhex wareegaya taageerayaasha TPLF oo u badan kuwii shalay kaba-qaadka u ahaa kooxdaas markii ay xasuuqayeen shacabka deegaanka Soomaalida. Waxa ay rajaynayeen in argagixisadu dumin doonto dawladda dhexe halkaasna ay uga soo bixi doonto fursad kaba-qaadnimo oo ay dadkooda mar kale ku dulleeyaan. Sidii iyagoo maanta xukuumada deegaanka Soomaalida taageerayaal u ah ama ku taageeri xitaa hadday qaadato go’aanada ay leeyihiin hala qaato waxay damaashaadkii ahaa TPLF baa wax jabisay ku badaleen yaan TPLF lala dagaalamin markii ay arkeen in deegaanada ka tirsan jamhuuriyada federalka dalku ay go’aansadeen inay garab istaagaan dawlada dhexe" ayaa lagu yiri qoraalka madaxweyne Mustafa Cumar.

Gabagadii waxaa qoraalka madaxweynaha dowlad deegaanka lagula dardaarmay dadka deegaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan siyaasiyiinta qaar iyo waxa uu ugu yeeray dabadhilifka TPLF.

"Haddaba waxay tahay inay ogaadaan dabadhilifka TPLF iyo kuwa fursad siyaasadeed ka raadinaya colaada waqooyiga Itoobiya in buuqoodu uuna saamayn ku yeelan doonin go’aan kasta oo xukuumada deegaanka Soomaalidu kaga jawaabayso xaalada jirta. Waynu soo marnay magaalo qayrkaa u cay noocan oo kale ah oo loogu hiilinayo kuwii shalay ina gumaadday laguna raadinayo dano siyaasadeed oo lid ku ah masiirka fog ee shacabka DDS. Markaa, ma haboona in sheeko baraleey talo toolmoon loo ekeeysiiyay lagu dagmo" ayuu yiri madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/16/2021 12:55 PM EST
Jimco, Luulyo, 16, 2021 (HOL) - Guddiga hirgalinta doorashooyinka ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay lagu sheegay Shaacinta Jadwalka Guud ee Doorashada Baarlamaanka Labada Aqal ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) 2020/2021.

7/16/2021 11:02 AM EST
Jimco, Luulyo, 16, 2021 (HOL) - Ergayga Somaliland u qaabilsan wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya Adna Aadan Ismaciil, ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya ay Somaliland burburinayso.

7/16/2021 8:57 AM EST
Jimco, Luulyo, 16, 2021 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa sheegay degmada Ceel-Barde oo ku taal xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ee Koonfurgalbeed, inay muhiimad ballaaran u leedahay Soomaaliya, halkaa oo uu ku suganyahay maalintii saddexaad.

7/16/2021 8:29 AM EST
Jimco, Luulyo, 16, 2021 (HOL) - 4 qof ayaa ku nafwaayay qaar kalena way ku dhawacmeen shil baabuur oo ka dhacay agaagaarka degmada Dacar-budhuq, oo u dhaxaysa Hargaysa iyo Berbera.

7/16/2021 4:45 AM EST
Jimco, Luulyo, 16, 2021 (HOL) - Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland, ayaa maanta war-saxaafadeed qabtay ay ku sharraxayaan halka ay wax marayaan iyo shaqooyinkii u qabsoomay muddadii uu guddigu jiray.

7/16/2021 4:32 AM EST
Jimco, Luulyo, 16, 2021 (HOL) - Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd gabadh 23 jir ah oo ka tirsanayd hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA, horayna u ahayd agaasimaha xafiiska duqii Muqdisho Eng Yariisow, ayaa lagu la’yahay nolol iyo geeri kadib markii gurigeeda ay ka baxday muddo labo todobaad ka hor.

7/16/2021 2:24 AM EST
Jimco, Luulyo, 16, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in koontarool halkaasi ku yaala oo ku sugnayeen ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ay fashiliyeen weerar qarax oo Ismiidaamin ahaa.