Jubbaland oo xukun dil ah ku fulisay nin kufsaday gabadh saddex jir oo kadibna geeriyootay

 

Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Maamulka Jubbaland ayaa xukun dil ah ku fuliyay Xusseen Aadan Cali, oo kufsi u geystay Gacalo Ismaaciil Cabdullaahi oo ahayd gabadh saddex jir ah oo markii dambe u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray kufsi loo geystay.

newsinsideXuseen Aadan Cali, ayaa gabadha uu kufsaday wuxuuu u ahaa adeerkeed, waxaana u dhaxday hooyadeed.

Xukunkan oo ahaa mid qisaas ah ayaa ka dhacay magaalada Dhoobley, waxaana kiiskaan xukumay culimada, iyagoo raacayay xukunka shareecadda islaamka waxa uu ka qabo falkaan.

Odayaasha labada dhinac ayaa soo dhoweeyay xukunkan lagu fuliyay dambiilaha falkan geysta, si uu tusaale ugu noqdo cid walba oo falkaan foosha xun ku kacda.


   
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online