Axad , Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa tababar usoo xidhay 500 oo dhalinyaro ah oo ka baxay tababarka shaqo qaran.
newsinsideDhalinyarada tababarka looso xidhay ayaa tababar ciidan muddo 4 bilood ah uga socday dugsiga tababarka ciidamada ee Dararweyne.
Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in dhalinyarada maanta tababarka dhamaysatay ay yihiin ciidan kayd ah.
"300 ee inamada ahi waa kaydka ciidamada qaranka saacadii loo baahdana qarankooda diyaar bay uyihiin" ayuu yidhi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhalinyaradu ay yihiin mustaqbalkii Somaliland isla markaana loobahanyahay in ay ka fikiraan mustaqbalka dal kooda.
Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran Maxamed Xuseen Cismaan, ayaa sharaxay xirfadaha ay dhalinyaradani barteen.
"Waxay bartaan anshaxa, hubka fudud iyo xeesha dagaalka, dastuurka iyo waddaniyada" ayuu yidhi.
Dhalinyarada tababarka dhamaysatay ayaa iskugu jira 307 will iyo 103 hablood.
Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]