Borama: Haweenay la xidhay kadib markii ay isku dayday in ay hor istaagto dhalinyaro gubayay calanka Soomaaliya

 

Khamiis, Luulyo 1, 2021 (HOL) - Ciidamada booliska Somaliland, ayaa xabsiga dhigay Degen Miiraash oo isku dayday in ay hor istaagto dhalinyaro magaalada Borama ku gubayay calanka Soomaaliya.

newsinsideDhalinyarada ay Degen isku dheceen ayaa calanka Soomaaliya ku gubayay gudaha Borama.

Waxa jira dhalinyaro ilaa shalay baraha bulshada ku faafinayay calanka Somaliland oo ay la hayen calankayagu waakan.

Isla saakana koox dhalinyaro ah ayaa calanka buluuga ah ee Soomaaliya ku gubay gudaha Borama.

Degen ayaa marsii horaysay xabsiga loo taxaabay kadib markii ay calanka Soomaaliya ku sharaxatay gurigeeda, iyado mudo kadib lasoo daayay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiraan online
[email protected]