4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 9 , 2021
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay ciidamada Haramcad ee maanta la geeyay Baledweyne
 

Sabti, Janaayo, 09 2021 (HOL) - Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay ciidamo ka tirsan Haramcad oo maanta la geeyay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Siyaasi Warsame  ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku eedayay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo inuu ka dambeyay qorshaha lagu geeyay ciidamada Haramcad magaalada Baledweyne, isagoo doonaya inuu ku boobo doorashada dalka ayuu yiri "Cabdiraxman Candishakur Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan diyaar u aheyn wadahal taasoo cadeyneysa ayuu yiri “Ciidanka Haramcad ee Madaxweyne Farmaajo uu maanta Beledweyne ka dejiyey iyo kuwii ka horeeyey ee uu Dhuusamareeb iyo Gedo geeyey waxay daliil cad u tahay damaca uu ku doonayo in uu doorashada ku booboo. Waxay kaloo cadayn u tahay in uu diidan yahay wadahadal iyo is faham laga gaaro is marin waaga doorashooyinka.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale sheegay in ruux walbo oo ka qeyb qaata boobka iyo afduubka lagu haayo doorashada dalka noocuu doono ha ahaade inuu dalka ka gali doono taariiq madow waa sida uu hadalka u dhigaye Mr Warsame

Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa imaanaya xili maanta ciidamo ka tirsan Booliiska Haramcad la geeyay magaalada Baledweyne kuwaas oo la sheegay iney sugi doonaan amaanka doorashoyinka Aqalka hoose ee dhawaan ka qabsoomi doonta Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]