4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 9 , 2021
Diyaaraddo sidda ciidanka Haramcad oo goordhaw ka degay garoonka Baledweyne
 

Sabti, Janaayo, 09 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne kaso dagay laba diyaarad oo siday ciidanka Booliiska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Illo xog ogaal ah ayaa Shabakadda HOL u xaqiijiyay in ciidanka soo dagay aay tiro ahaan gaarayaan 100-Askari kuwaasi oo aad u hubeysan.

Labada diyaarad ee haatan soo gaaray garoonka Ugaas Khaliif ayaa midiiba siday 50 Askari walina waxay ku sugan yihiin gudaha garoonka Ugaas Khaliif lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa imaasha ciidankan iyo u jeedkooda.

Warar hoose oo lagu kalsoonaan karo oo kusoo dhacaya warqabadka Shabakadda HOL ayaa sheegaya in ciidamadan ujeedkoodu yahay sugida amaanka doorashoyinka ka dhaci doona maalmaha soo socda deegaanka Ceeljaalle.

Dhinaca kale imaashaha ciidankan ee Baledweyne ayaa imaanaya xili maalintii shalay aheyd uu gaaray magaalada Muqdisho madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo horay loogu diiday inuu yimaado magaalada Baledweyne lamana oga ciidankan ujeedkoodu yahay gogol xaarka imaashaha Cali Guudlaawe ee Baledweyne.

Shacabka ku dhaqan Baledweyne ayaa saaka aad u hadal haayo ciidamadan soo gaaray Baledweyne, xili duleedka magaalada ay dagan yihiin ciidamo hubeysan oo diidan jiritaanka Hirshabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]