4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 8 , 2021
Qarramada Midoobey oo dhaqaale ku bixineysa la dagaalanka Ayaxa ku habsaday Geeska Africa

 

Jimco, Janaayo, 08, 2021 (HOL)-  Qarramada Midoobey ayaa sheegtay in lacag dhan 1.5 Million doolar ku bixineyso la dagaalanka Ayaxa faraha ba'an ku haya wadamo ka mid ah Geeska Africa oo Soomaaliyana ay ku jirto.

Dhaqaalahan ayeey soo marin doontaa hay'adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO ayaa inta badan loo isticmaali doonaa hawlgallada xakamaynta Ayaxa, iyadoo lagala dagaallamayo  hawada iyo dhulka.

Sarkaalka lagu magacaabo Farhan Haq oo ah ku-xiggeenka guud  ee Qarramada Midoobey ayaa sheegay in tan iyo Disembar 2020  ay duufaanno ka dhaceen bariga Ethiopia iyo bartamaha Somaliya oo ay ka dhacday tii ugu xoogga badnayd ee Gati.

Bishii la soo dhaafay ayay hay’adda Cuntada iyo beeraha QM u qaabbilsan ee FAO codsatay dhaqaale dheeri ah si sare loogu qaado la dagaallanka Ayaxa ka dillaacay  waddamada bariga Afrika oo ay u horreyso Soomaaliya.

Soomaaliya qeybo badan oo ka mid ah waxaa faro ba'an ku haya Ayxan oo raxan raxan u duulaya kuwaa oo bartilmaameedsanaya Baaraha iyo guud ahaan wixii dhir ah oo deegaanka ku yaala. 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]