4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 7 , 2021
Faah faahin ku saabsan Qarax saakay ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Khamiis, Janaayo, 07, 2021 (HOL) -  Hal qof ayaa ku dhintay saddex kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii subaxnimadii hore ee saakay la bartilmaameedsaday gaari  ay lahaayeen ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  oo marayay waddada KM4 ee degmada Hodan.

Goobjoogaal ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga la bartilmaameedsaday uu lahaa mid ka mid ah taliyayaasha ciidanka Asluubta oo goobta marayay.

Qaraxan ayaa imanaya maalin uun kaddib markii sidan oo kale la bartilmaameedsaday gaari uu lahaa Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali waxaana qaraxaasi ku geeriyooday hal qof oo rayid ah.

Bilihii ugu danbeeyayba waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayay qaraxyada noocan ah ee lagu bartilmaameedsado mas'uuliyiinta dowladda, hasse ahaatee qaraxyada ayaa inta badan waxaa ay wax-yeelo ka soo gaartaa dadka rayidka ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]