4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 7 , 2021
Dagaal culus oo xalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Khamiis, Janaayo, 07, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar saf ballaaran ah ku qaadeen degmada.

Sida dad goobjoogayaal ah warbaahinta u sheegeen xoogagga Ururka Al-shabaab weerar ilaa saddex jiho ah ku soo qaadeen gudaha degmada iyadoo halkaa uu iska horimaad culus ku dhaxmaray xoogagga weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladda.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka xalay ka dhacay degmada Afgooye iyo wax war ah oo ka soo baxay laamaha nabad-galyada..

Xaaladda ayaa  degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada xoogga dalka oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay magaalada Afgooye iyo duleedka.

Afgooye ayaa u muuqata bartilmaameedka Al-shabaab ee weerarrada gobolka Shabeellaha Hoose iyaga oo dhowr jeer oo hore sidan oo kale weerarro is xig xigay ku qaaday fariisimaha ciidamada dowladda ee degmada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]