4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 6 , 2021
Puntland oo la wareegtay masuuliyadda qof shacab ah oo ku geeriyooday rasaas ciidankeeda amnigu fureen
 

Arbaco, Janaayo, 06, 2021 (HOL) - Puntland ayaa la wareegtay masuuliyada khasaaraha ka dhashay rasaas ciidamadeeda amnigu ku fureen mudaharaad bishii hore ka dhacay magaalada Garowe, oo ay ku geeriyootay qof shacab ah oo dumar ah.

Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Gallan ayaa soo saaray qoraal uu ku caddaynayo in ay la wareegeen masuuliaydda geerida Nadiiro Feysal Shire Barre oo sababsatay rasaasta ciiddanka amniga.

Xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland ayaa bayaan uu shalay soo saaray wuxuu ku dalbatay in caddaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilka gabadhan dhalinyarada.

Wuxuu dhalleecayay in laga gaabiyay ka jawaab celinta khasaaraha dhimashada ee ka dhashay falka ciiddanku kaceen.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]