4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 6 , 2021
Amiirka Qatar oo ka qeybgalay shir ka dhacay dalka Sacudiga

 

Arbaco, Janaayo, 06, 2021 (HOL) -Amiirka Qatar Tamiim bin Xamad. ayaa muddo saddex iyo dheeraad ah kaddib markii ugu horreysay ka qeybgalay shir magaalada Al-cula ee dalka Sacuudiga ku yeesheen madaxda wadamada Khaliijka oo horey khilaafku ugu dhaxeeyay.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah  ayaa waxaa ka soo baxay qoddobo  dhowr ah oo ay ku heeshiiyeen madaxda wadamada Khaliijka kuwaas oo soo afjaray khilaafaadkii  dhexdooda ka jiray seddexdii sano ee lasoo dhaafay.

Dowladahaan ayaa ku heshiiyay dhowr qodob oo ay ugu muhiimsanyihiin:

1-   Xoojinta iyo iskaashiga military ee ka dhaxeeya waddamada Khaliijka Carabta si loo ilaaliyo amniga waddamadaan iyo gobalka.

2-   Ilaalinta ujeedooyinka sare ee u dhigan golaha iskaashiga waddamada khaliijka iyo sidii looga shaqayn lahaa mideynta dhaqaalaha iyo siyaasadda

3-   Meel marinta aragtidii boqorka Sacuudiga, boqor Salmaan bin Cabdicasiis ee golaha waddamadaan anxixiyay 2015-kii, iyo sidii loo dhamaystiri lahaa  mideynta waaxaha dhaqaalaha, difaaca iyo siyaasadda dibadda.

4-   Dardargelinta Xarunta ka hortagga iyo xakamaynta cudurada iyo ka wada shaqaynta sidii looga hor tegi lahaa cudurka karoona iyo cudurada kale ee safmareenka ah.

5-   Dhamaystiria mideynta suuqa dhaqaalaha ee waddamada khliijka iyo dhisidda shabakad tareen.

6-   Xoojinta nidaamka hufan ee dowladnimada iyo la dagaalanka masuq maasuqa.

7-   Kobcinta kaalinta waddamada khaliijka ay ku leeyihiin gobalka iyo guud ahaan caalamka.

8-   Soo celinta iyo xoojinta xiriirkii walaaltinimo ee ka dhaxeeyay shacuubta waddamada khaliijka.

Tallaabadan ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay inta badan wadamada beesha caalamka gaar ahaan kuwa dunida Muslimka oo u arkay soo afjarida khilaafka wadamadan mid muhiim u ah guud ahaanba deggenaasha siyaasadeed dunida Muslimka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]