4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 6 , 2021
Madaxweynaha Uganda oo u yeertay qaar kamid ah ciidamo ka jooga Soomaaliya si ay u sugaan ammaanka doorashada kusoo wajahan dalkaas
 

Arbaco, Janaayo, 06, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in ciidamo heer sare ah la geeyay magaalada caasimada ah ee Kambala si ay meesha uga saaraan dambiyada ka hor doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka oo dhici doonta 14-ka Janaayo .

Musaveni ayaa khudbadiisa ku sheegay in cutubyo ka tirsan militariga oo si heer sare ah loo tababaray oo howlo nabad ilaalin ah ka waday Soomaaliya ay sugi doonaan amniga ka hor doorashooyinka.

Museveni wuxuu sheegay in arimahan ay ku qasbeen inuu dib ugu yeero ciidamada ka joogay Soomaaliya si ay gacan uga geystaan adkaynta nabada Kampala.

“Mucaaradka waxay ku hanjabeen inay gubayaan kaalimaha shidaalka ee Kampala. Waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo inaysan jirin cid gubaysa Kampala, ”ayuu yiri Museveni.

Museveni wuxuu ku kalsoon yahay in dadku si nabad ah u dhiiban karaan codkooda marka la gaaro Janaayo 14.

Arrintan ayaa daba socota iska horimaadyo maalmo socday oo u dhaxeeyay taageerayaasha mucaaradka iyo booliska kadib markii Robert Kyagulanyi, oo ah muusikiiste isla markaana ah musharax madaxweyne, lagu xiray magaalada bariga ee Luuka sababo la xiriira ku xadgudubkiisa nidaamka ka hortagga COVID-19.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]