4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 6 , 2021
Raphael Warnock oo ku guuleystay kursigii Senatka ee Gobolka Georgia


Musharax Raphael Warnock oo ku guuleystay ka mid noqoshada golaha Senatka ee dalka Mareykanka


Arbaco, Janaayo, 06, 2021 (HOL) - Musharixii xisbiga Dimoqaadiga ee kursiga Sanadka ee gobolka Georgia ayaa waxaa ku guuleystay Raphael Warnock oo ah nin ka soo jeeda Ameerikaanka madow.

Waa markii ugu horeysay ee taariikhda gobolka Georgia ee uu nin Ameerikaanka madow ah uu ku guuleysto xibinnimada golaha Senatka.

Mr. Warnock ayaa ka guuleystay haweeneyda Kelly Loeffler oo ka sharaxneyd xisbiga Jamhuuriga (Republican). Kelly Loeffler ayaa si aad u taageersaneyd madaxweyne Donlad Trump oo ilaa iyo hadda diidan in looga guuleystay doorashadii dhacday bisha November ee sannadkii 2020.

Sidoo kale haddii sida la saadaalinayo uu guuleysto musharxa kale ee xisbiga Dimoqaraadiga Jon Ossoff, markaas waxaa codka aqlabiyadda la wareegidoona xibiga Dimoqaraadiga.

Guushaas ayaa  waxay u suura-galineysaa in Madaxweyne la doortay ee Joe Biden uu si sahlan u marsiisan karo qorshahiisa siyaasadeed maadaama aay xisbiga Dimoqaraadiga ay wada maamulaan labada gole ee looga taliyo dalka Marekanka.