4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 6 , 2021
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga oo la kulmay milkiilaha shirkad Turkish ah oo shaqaalaheeda lagu weeraray Soomaaliya
 

Arbaco, Janaayo, 06, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu ayaa la kulmay milkiilaha shirkaddaTurkiga ee lagu bartilmaameedsaday weerar dhowaan ka dhacay Muqdisho, sida ayqortay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Cavusoglu ayaa u gudbiyay tacsi dadkii ku dhintay, wuxuuna u rajeeyay caafimaad deg deg ah kuwa dhaawacmay.

Wuxuu sheegay in dhowr weerar lagu qaaday shirkado iyo shaqaale Turki ah oo ka howlgalayay Soomaaliya labadii sano ee la soo dhaafay.

Laba muwaadin oo Turki ah oo lagu kala magacaabo Selami Aydogdu iyo Erdinc Genc ayaa ka mid ahaa shan qof oo lagu dilay qarax ismidaamin ah oo ka dhacay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Ugu yaraan 14 qof oo kale, oo ay ku jiraan saddex u dhalatay Turkiga, ayaa ku dhaawacmay weerarka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]