4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 6 , 2021
War-murtiyeed laga soo saaray shirweynihii beelaha Hawiye ee Muqdisho ku soo dhamaaday

 

Arbaco, Janaayo, 06, 2021 (HOL) -Magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhamaaday shir hal maalin socda oo ay ku yeesheen wax-garadka iyo odayaasha dhaqanka beelaha hawiye, kaastoo ugu danbeyntii laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 14 qoddob.

Shirkan ayaa looga doodday arrimaha nabad-galyada, doorashada iyo waliba sida ku cad war-murtiyeeda arintan gobolka Banaadir oo uu shirku isku raacay in loo dhiso dowlad gobolleed u gaar ah.

Qoddobada ka soo baxay shirka 

1 In beelaha Hawiye is cafiyaan una midoobaan danahooda, meelna uga soo wada jeestaan danta guud Diinta iyo Dalka

2 . In deg deg loo dhiso Gole Guurte oo beelaha Hawiye ku mideysan yihiin.

3. In la dhiso maamul gobolleedka Banaadir State  iyo deg deg loo magacaabo guddigii arintaa ka shaqeyn lahaa.

4. Si loo badbaadiyo dalka shirku wuxuu isku raacay in la qabto doorasho isla ogol ah oo waqtiggeeda ku dhaco.

5.  In tallada xal u raadinta doorashada laga qeybgaliyo dhamaanba saamileyda siyaasadeed sida dowladda , maamul gobolleedyada iyo waliba musharixiinta.

6. Shirka ayaa uga diggay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo cawaaqib xumo ka dhala karta heyb sooca iyo faquuqa lagu hayo saraakiisha iyo ciidamada ka soo jeeda beesha Hawiye

7. In Ciidamada Qaranka looga digayo ku lug lahaansha loolanka siyaasadeed ee dalka

8. Shirku wuxuu uga diggayaa shirkaddaha caalamiga ah ee Batroolka in aysan wax heshiis ah la galin dowladda uu waqtiggeedu sii dhamaanayo, haddii ay la gallaanna waxaan cadeyneynaa in heshiiskaasi uu ka dhaqan gali doonin deegaannada Beelaha Hawiye

9.In la joojiyo daandaansiga ay dowladda Soomaaliya ku heyso musharixiinta madaxweyne ee ka soo jeeda beesha Hawiye.

10. In lagu dhaqmo dastuurka dalka ogolaanaya in laga qeybgali karo lana dhiggi karo dibadbax ogolaasho la'aan.

11. Shirku wuxuu cambaareynayaa falkii lagu rasaaseeyay shacabki dibadbaxa dhiggayay, iyaga oo dalbanaya in cadaallada la horkeeno askarigii falkaasi geystay.

12. In Cabdi Xaanshi Cabdullaahi looga danbeeyay soo xulista guddiga doorashada ee gobollada Waqooyi.

13 .Haddii la gaaro muddo xil heynta dowladda hadda jirta  iyadoo aan wax doorasho ah la qaban, in la sameeyo Gole Qaran oo sii wadda howlaha dowladda.

14. Iyo ugu danbeyntii in ay dowladda joojiso qalalaasaha  iyo isku dirka ay ka waddo Gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne.

 Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]