4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 6 , 2021
Qaraxyo xalay ka dhacay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug

 

Arbaco, Janaayo, 06, 2021 (HOL) - Wararka laga helayo deegaanka Bacaadweyn oo ka tirsan dowlad gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in xalay dadku maqleen labo qarax oo waaweyn.

Qaraxyada oo ahaa kuwo jugtooda laga maqlay deegaanno ka durugsan halka uu ka dhacay ayaa qaar ka mid ah dadka deegaanku waxaa ay sheegeen in Al-shabaab ay ku burburiyeen ceelbiyood ay cabi jireen dadka deegaanka oo la sheegay in ay qaraxyada u adeegsadeen.

Ceelkan la burburiyay ayaa lagu warramayaa in ku yaala inta u dhaxeysa Bacaadweyn iyo deegaan lagu magacaabo Shabeelloow oo ka wada tirsan gobolka Mudug qeybta ay maamusho Galmudug.

Labada deegaan ee Bacaadweyn iyo Shabeelloow ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ku dagaalamay xoogagga Ururka Al-shabaab iyo dadka deegaanka.

Lama sheegin cid wax ku noqotay qaraxyadii xalay madaama waqtiga uu qaraxu dhacayay halkaa ay ku sugnaayeen oo kaliya dagaalyahannada Ururka Al-shabaab.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]