4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 5 , 2021
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo shacabka ka dalbaday arin ku cusub ololaha doorashada Soomaaliya

 

Talaado, Janaayo, 05, 2021 (HOL) -  Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir dhinaca kalana ah musharax u taaggan xilka madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame  ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay arin ku cusub marka la eego guud ahaanba ololaha doorashada Soomaaliya.

Muharaxan ayaa bartiisa Facebook soo dhiggay codsi uu u dirayo shacabka Soomaaliyeed oo uu ka dalbaday in ay ka taageeraan dhaqaalaha ololihiisa doorashada, isaga oo sababta uu arintaa u sameynayo ku micneeyay in aysan muhiim aheyn in dalal shisheeye laga raadiyo dhaqaale lagu galo doorashada.

''Si looga gudbo gacan hoorsi ajnabi iyo in talada uu shisheeye nala yeesho, ayuu ololaha doorashadeenna si toos ahu shacabka Soomaaliyeed u waydiisanaynaa taageero dhaqaale, waxey rajeyneynaa in aad farriintan si togan uga falcelin doontaan.'' ayuu qoraalkiisa ku sheegay.

Farriintan uu dirray hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa noqoneysa mid ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan marka la eego ololaha doorashada Soomaaliya oo siyaasiyiinta aan looga barran in ay dhaqaale weydiistaan bulshada, taa badalkeedana mar walba jiraan dowladdo waaweyn oo hadba siyaasiga ay doonaan ku taageera dhaqaalaha doorashada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]