4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 5 , 2021
Xafiiska difaaca xuquuqda Puntland oo dalbaday in caddaalada la horkeeno askar rasaas geysatay dhimasho ku furay mudaharaad ka dhacay Garowe
 

Talaado, Janaayo, 05, 2021 (HOL) - Xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa dalbatay in caddaalada la horkeeno askartii ka dambeysay dilka gabadh dhalinyaro oo u geeriyootay dhaawaca kasoo gaaray rasaas ciidamada amnigu ku fureen mudaharaad 24-kii bishii December ka dhacay magaalada Garowe, kaas oo looga soo  horjeeday diidmada lacagta shilin Soomaaliga.

Marxuumad Nadiiro Faysal Mire oo ahayd 15 jir, ayaa saddexdiii bishaan ku geeriyootay isbitaalka guud ee Garowe, waxaana qoyskeeda ay diideen in la aaso tan iyo inta laga caddaynayo cidda ka dambeysa dilka gabadhooda.

Xafiiska difaaca xuquuqda  Aadanaha Puntland ayaa ku eedeeyay laamaha amniga Puntland in ay gabeen kaalintooda ku aadanayd ilaalinta badqabka dadka rayidka ah, waxaana qoraal uu soo saaray ku sheegay in hay’addaha sharci fulin ka gaabiyeen in ay jawaab mar hore ka bixiyaan falkaan dhacay.

Dhinaca kale, xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha ayaa walaac xoogan ka muujiyay Xaaladda Badqab ee Wariye Kilwe Aadan Faarax iyo qof kale oo rayid ah, kuwaas oo xarrigooda xafiisku ku tilmaamay mid sharci darro.

Guddoomiyaha difaaca xuquuqda Aadanaha Puntland, Qareen Siciid Cabdi Muumin, ayaa ugu baaqay hay'addaha amniga iyo kuwa sharci fulinta in ay ilaaliyaan xuquuqda aas aasiga ah ee muwaadiniinta.

Wuxuu  dalbatay in sida ugu dhaqsiyaha badan maxaabiista loogu wareejiyo xarumaha sharciga u leh hayntooda.

Halkaan hoose ka akhriso labada qoraal ee xafiiska kasoo baxay.



Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]