4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 5 , 2021
Xubno ka tirsan guddiga doorashada oo gaaray magaalada Baydhabo

 

Talaado, Janaayo, 05, 2021 (HOL) - Xubno ka tirsan guddiga doorashada wali leysku khilaafsan yahay ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee  xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddigan oo tiradoodu ay gaareyso ilaa 12 xubnood ayaa soo dhameystay tababar la xiriira arrimaha doorashooyinka.

Guddiga gaaray maanta magaalada Baydhabo ayaa imaanaya xili kulan gaar ah xarunta madaxtooyada ay ku yeesheen madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdcasiis Xassan Maxamed Laftagareen oo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in la gudagalo doorashada  xubnaha xildhibaannada Aqalka Sare oo ay guddiga doorashooyinka ku dhawaaqeen.

Guddiga doorashada ayaa jadwalkoodii doorasho ee hore noqday mid fashilmay oo aan hergalin, laakiin markan qorshuhu wuxuu yahay in la guda-galo qabashada doorashada xubnaha Aqalka Sare.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]