4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 5 , 2021
Qaar kamid ah shirkaddaha duulimaadyada Soomaaliya oo kordhiyay qiimaha duulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi
 

Talaado, Janaayo, 05, 2021 (HOL) -Qaar kamid ah shirkadaha duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya ayaa kordhiyay qidmadaha lacageed ee laga qaado dadka u kala safra Soomaaliya iyo Kenya.

Heshiis ay wada galeen afar shirkaddood oo duulimaad ayaa lagu sheegay in qiimaha laga dhigay $260 oo laga qaadayo dad u safraya Muqdisho iyo Nairobi.

Sida ka muuqata qaraalka, waxaa heshiiskan wada saxiixday shirkaddaha kala ah, Salaam Air. Daallo Air, Freedom Air iyo Premier Air.  

Qiimaha awal hore lagu raaci jiray duulimaadyada labada dal ayaa ahaan jiray $140, balse hadda lama garanayo sababta keentay isbedelkan cusub.

Shirciyan dunida kama jirto waddan shirkaddihiisa duulimaadka go’aan ka gaari karaan qidmadaha shacabka laga qaado. Dowladdaha ayaa jaangooya arrintan.

Dhibaatadan ayaa sidoo kale ka taagan deegaanada Puntland kadib markii shirkaddaha duulimaadyada ay kordhiyeen lacagihii laga qaadi jiray dadka u kala safraya Muqdisho iyo gobolada kale ee Puntland.

Dowladda Soomaaliya ayaa laga sugayaa in ay jawaab ka bixiso tallaabada ay shirkaddahan qaadeen.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]