4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 5 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska hor dhaca ah ee Sacuudiga iyo Qatar

 

Talaado, Janaayo, 05, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay heshiiska hor dhac ah ee durbaba laga gaaray khilaafkii soo jiitamayay ku dhawaad saddaxdii sano ugu danbeysay ee u dhaxeeyay wadamada Khaliijka intooda badan oo dhinac ah iyo dowladda Qatar.

Gaar ahaan waxaa soo dhaweysay dowladda Soomaaliya hehiiska dowladdaha Sacuudiga iyo Qatar oo ku dhawaaqay in ay isku furayaan dhamaanba isku socodkii labada dhinac oo muddo dheerba xirnaa.

War ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa looga mahad celiyay dowladda Kuwait gaar ahaan Wasaarradda Arrimaha dibadda dadaalka ay ku bixisay arintan iyo sidii dhinacyada leysugu soo dhaweyn lahaa.

''Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku faraxsan tahay dadaallada Amiirka dalka Kuweyt Amiir Nawaaf Axmed Aljaabir iyo hoggaamintiisa wadahadallada lagu dhammeystirayo soo celinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo dad ee walaalaha ah iyo guud ahaan dalalka Khaliijka'' ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii uu soo baxay khilaafka wadamada Khaliifka ka qaadatay go'aan dhax dhaxaadnimo ah, inkastoo go'aankaasi loo arkayay mid u xaglinayay dhinaca dowladda Qatar oo wixii xiligaa ka danbeeyay uu aad u sii wanaagsanaaday xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya oo saameyn dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ay ku yeelatay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]