4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 4 , 2021
Sacuudi Carabiya oo caawa furaya xadka hawada, dhulka iyo badda uu la wadaago Qatar

Isniin, Janaayo, 04, 2021 (HOL) - Sacuudi Carabiya ayaa dib u furi doonta hawadeeda iyo soohdinta dhulka iyo badda ee Qatar laga bilaabo Isniinta caawa, Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuweyt ayaa sidaasi sheegay, isagoo tixraacayay heshiis lagu xallinayo khilaaf siyaasadeed ee horseeday Riyadh iyo xulafadeeda inay go’doomiyaan Qatar.

Bishii Juun 2017, waddammada Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar - waxay ku eedeeyeen Qatar inay taageerto argagixisada iyo inay aad ugu dhowdahay Iran, waxaana loo jaray xiriirkii dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay wadamada Khaliijka, iyadoo la saaray xayiraad dhinac walba ah.

Qatar ayaa si isdaba joog ah u beenisay eedeymaha loo soo jeediyay waxayna sheegtay in aysan jirin cudur daar sharci ah oo loo maray in xiriirka loo jaro.

Amiirka dalka Kuweyt, Sheikh Sheikh Nawaf, ayaa ku guulaystay dhexdhexaadinta uu ka dhex waday Qatar iyo afarta dal ee carbeed, waxaana la isla qaatay soo jeedintiisa ahayd in Qatar laga qaado xayiraada la saaray.

Bishii la soo dhaafay, Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) ayaa sheegay in amiirka Qatar lagu casuumay kulanka shir madaxeedka ururka ee usbuuca soo socda ka dhacaya Sacuudi Carabiya iyadoo ay socdaan dadaallo lagu bogsiinayo khilaafaadka.

Sheikh Tamim wuxuu casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Sacuudiga Salmaan shirkii lixda wadan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]