4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 4 , 2021
Ururka warbaahinta Puntland ee MAP oo afduub ku tilmaamay weriye muddo 8 cishe ah u xiran hay'adda amniga
 

Isniin, Janaayo, 04, 2021 (HOL) - Ururka warbaahinta Puntland MAP ayaa afduub ku tilmaamay xarriga weriye lagu magacaabo Kilwe Adan Faarax oo kamid ah saxafiyiinta ka howlgali jiray Garowe, kaas oo maalintii 8aad u xiran Hay’adda Sirdoonka iyo nabadsugidda Puntland (PISA).

MAP waxay sheegtay in weriyaha oo aan saldhig iyo xabsi toona lagu xirin, aan loo ogolaan eheladiisa iyo qareenaba u doodaya inay arkaan, waxayna ku tilmaamtay ku tumasho iyo baalmarid dastuurka Puntland Qodobadiisa ilaalinaya xurriyada saxaafada.

MAP waxay walaac ka muujisay xaalada caafimaad ee Kilwe ku suganyahay, waxayna dalbatay dhakhaatiir baaritaan ku sameysa badqabdkiisa jireed iyo mid nafsiba.

“Waxaan mar kale ugu yeereynaa Puntland inaysan baalmarin sharciga islamarkasina ku dhaqanto dastuurka iyo xeerarka dalka u yaal, waxaana dalbaneynaa sii-deyn shuruud la’aan ah,” ayaa lagu yiri qoraalka MAP.

Lama oga sababta loo xiray weriyahan, waxaase xogta aan helayno ay sheegaysaa in loo haysto baahinta mudaharaad rabshado watay oo dhawaan Garowe ka dhacay oo loogasoo horjeeday diidmada lacagta shilinka Soomaaliga.

Hay’addaha amniga way diideen inay ka hadlaan xarriga weriyahan.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa markuu ahaa musharaxa madaxeynaha wuxuu ballanqaaday in aan ciddina loo xiridoonin afkaartooda, balse hadda waxaa muuqata in arrintaas laga dhabayn.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]