4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 4 , 2021
Madaxweyne Farmaajo iyo Lafta-Gareen oo yeeshay kulan saacado badan qaatay

 

Isniin, Janaayo, 04, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay xarunta madaxtooyada kulan saacado badan qaatay kulan yeeshay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-Gareen.

Lafta-Gareen kama uusan mid noqon madaxweynayaashii ka qeybgalay shirkii Aragti -Wadaag ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe oo inta badan madaxda dowlad gobolleedyada dalka iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ka qeybgaleen.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Lafta-Gareen oo ahaa mid iyaga u gaar ah oo aan xog badan laga helin ayeey haddana warar hoose oo soo baxaya sheegayaan in madaxweyne Farmaajo kala hadlay madaxweynaha Koonfur Galbeed sidii loo bilaabi lahaa doorashada xubnaha Aqalka Sare iyada oo la wafajinayo jadwalka doorasho oo ay soo saareen guddiyga wali lagu muransan yahay ee doorashooyinka.

Dhinaca kale waxaa lagu waddaa in kulanka uu ku soo biiro madaxweynaha maamulka Galmudug oo ka mid ahaa madaxdii ka qeybgashay shirkii Garoowe.

Inkastoo wali dhinaca dowladda Soomaaliya ku howlan tahay qabashada doorashada ayaa haddana wali waxaa jira kala aragti-duwannaan iyo in aan leysku waafaqsaneyn hannaanka loo marayo doorashada oo madaxda maamul gobolleedyada qaar iyo siyaasiyiinta mucaaradka intaba u arkaan mid lagu degdegayo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]