4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 3 , 2021
Hirshabeelle oo Xabsiga Baledweyne kasii daaysay ku dhawaad 10 dhalinyaro ah oo ku xirnaa muddo laba todobaad ah
 

Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw Xabsiga dhexe ee magaalada Baledweyne laga sii daayay ku dhawaad 10 dhalinyaro ah oo mudo laba todobaad ah ku xirna Xabsiga Baledweyne.

Dhalinyaradan ayay madaxda maamulka Hirshabeelle ku eedeysay iney qalqal galiyeen amaanka magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana xabsiga laga sii daayay iyagoo aanan lasoo taagin wax maxkamad ah.

Dhalinta maanta Xabsiga laga sii daayay waxaa ku jiray Afhayeenka Golaha Samata Bixinta Hiiraan oo lagu magaaco C/raxmaan Xuubeey.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo kula kulmay dhalinyaradan Hotel Hiiraan kadib markii xabsiga laga soo daayay ayaa ka hor sheegay dhalinyarada iney cafis yihiin oo ay si bilaa sharuud ah kusoo daayeen.

Dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne ayaa soo dhaweyay sii deynta dhalinyaradan oo labadii todobaad ee lasoo dhaafay ku xirnaa Xabsiga Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]