4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 3 , 2021
Mareykanka oo faah faahin ka bixiyay duqeyn uu ka geystay gudaha dalka Soomaaliya

 

Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) -  War Qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidanka Mareykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo '' AFRICOM'' ayaa lagu sheegay in duqeymihii ugu danbeeyay oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab dhinaca kalana burburiyeen xarumo muhiim u ahaa.

Duqeyntan oo ka dhacday deegaanka lagu magacaabo Kuunya-Baroow ayaa qoraalka lagu sheegay in qiimeyn ay sameeyeen ku ogaadeen in duqeyntan ay ku dhinteen Saddex xubnood oo ka tirsan Ururka Al-shabaab dhinaca kalana lagu burburiyay ilaa Lix xarumood oo muhiim u ahaa.

Lixda xarumood ayaa warbixinta lagu sheegay in gabi ahaanba ay burbureen halka dhisme kalana ay soo gaartay wax--yeelo, laakiin laguma faah faahin qoraalka waxa ay dhismayaashani kala ahaayeen.

''Baaritaanka aan sameynay waxaa ku ogaanay in duqeyntaasi waxba ku noqon dadka shacabka'' ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay AFRICOM.

Laakiin Al-shabaab oo iyagu horay uga hadlay duqeynta iyo khasaaraha ka dhashay ayaa sheegay in ay ku dhinteen dad shacab ah dhinaca kalana ay wax-yeello soo gaartay xarun Idaacadeed oo ay lahaayeen.

Weerarradan ugu danbeeyay ayaa imanaya iyada oo Mareykanka uu billaabay inuu Soomaaliya ka saaro ciidanka ka jooga, oo lagu qiyaasay 700 oo askari, kadib amar kasoo baxay madaxweyne Donald Trump.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]