4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 3 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday in hub lala galo garoonka diyaaradaha Muqdisho
 

Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - Wasaaradda amniga gudaha ayaa soo saartay amar lagu mamnuucayo in hub lala galo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda waxay sheegtay amarkaan inuu ka yimid raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble kadib markii maamulka garoonku uu cabasho kasoo gudbiyay hubka lala galayo garoonka diyaaradaha.

Go'aankan oo soo baxay 29 december 2020, ayaa hubka u fasaxaya kaliya madaxweynaha, raysal wasaaraha iyo labada guddoomiye ee barlamaanka. Wixii kasoo hara waxaa lagu amray in ay hubkooda uga tagaan bannaanka hore ee garoonka.

Tallabadaan ayaa kusoo beegmaysa, iyadoo dalku ku jiro xaalad doorasho ayna jiraan dad badan oo dowladda kasoo horjeeda oo hubaysan, oo marka ay garoonka kasoo dagayaan hubkooda gudaha ula gala.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]