4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 3 , 2021
Baarlamaanka Hirshabeelle oo ka doodday qodob xasaasi ah salkana ku haya xiisada ka taagan magaalada Beledweyne

 

Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ayaa dood adag ka yeeshay sida laga yeelayo 17 xildhibaan oo la sheegay in ay ka dhiman yihiin wali tirada guud ee Baarlamaanka Dowlad Gobolleedkan.

Doodda oo ay ku kala qeybsameen mudanayaasha ayaa qaarkood waxaa ay soo jeediyeen in gabi ahaanba meesha laga saaro  tirada xildhibaannadan oo lagu sheegay in yihiin qoondo haween.

Laakiin xildhibaan Geelle Isaaq oo hadal ka jeediyay ayaa sharaxay marxaladihii uu Baarlamaanku soo maray isaga oo yiri'' Markii hore tirada xildhibaannada Hirshabeelle waxey ahaayeen 71 xildhibaan, waxaa lagu kordhiyay tiro dheeraad ah oo loogu darray inta aan Labo Beelood ka aheyn, taasoo ka dhigtay tirada xildhibaannada 99 mudane,  xildhibaannada laga hadlayo ee 17da xubnood ah ee dhiman waxaa iska leh labada beellood ee soo hartay, shaqsiga ku dooddaya in gabi- ahaanba meesha laga saaro tiradan ka dhiman Baarlamaanka waa shaqsi heysta wax uusan xaq u laheyn, ayuu yiri'' Xildhibaan Geelle Isaaq.

Waxaa khudbada ka soo dhax-galay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Siraaji Sheekh Isaaq oo ka hadlay xildhibaan Geelle in uusan hadal jeedintiisa shaqsiyaad iyo beello Soomaaliyeed waxba ugu dhimin.

Qoddobkan laga doodday ayaa qeyb ka ah xiisada ka taaggan magaalada Beledweyne oo salka ku heysa habka saami -qeybsiga guud ahaan dowlad gobolleedka Hirshabeelle gaar ahaan Baarlamaanka oo loo arko mid aan isku dheeli tirneyn.

Maalmaha soo socda ayaa laga yabaa in Baarlamaanka Hirshabeelle u codeeyo qoddobkan oo ah mid siweyn isha loogu wadda-hayo. 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]